
Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamadda Sare ee Dawlada Puntland Mudane Axmed Shekh Cumar, ayaa Magaalada Garoowe uga furay tababbar muddo saddex maalmood ah soconaya Garsooreyaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaasha Putland, kaas oo ku saabsan dacwad oogista iyo garsoorida dambiyada tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka.
Tababbarkan oo uu soo qaban-qaabiyey Machadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta sharciyeed ee ku saabsan la dagaalanka Dambiyada la xiriira tahriibka iyo ka ganacsiga Dadka.
Agaasimaha Guud ee Machadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamud Xasan heeraab ayaa xusay in Tababbaradu ay sii socondoonaan, wuxuuna kula dardaarmay Garsooreyaasha iyo Xeer-ilaaliyeyaasha in ay kafaa’iidaysataan Tababbarkan Qiimaha badan.
Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamadda Sare ee Dawlada Puntland Mudane Axmed Shekh Cumar ayaa kula dardaarmay ka soo qaybgalayaasha tababarka inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan mudada uu tababarku socdo’iyadoo tababarkaan uu qayb ka yahay tababaro maxkamadda sare kor ugu qaadayso Garsoorka Puntland.
Macalinkii tababbarka bixinayey ayaa la wadaagay ka qayb-galayaasha hababka looga hortagi karo dambiyada noocan ah, hannaanka dacwad oogista iyo ka garnaqista la xiriira dambiyada culus ee daabulka iyo ka ganacsiga dadka.
Tababbarkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu tayeynayo hay’adaha caddaalada iyo garsoorka dalka.






