Maxkamadda Sare.

  1. Maxkamadda Sare waxay ku shaqaysaa go’aan wadareed, waxayna ka kooban tahay Shan (5) xubnood oo kala ah: Guddoomiye, Guddoomiye Ku-Xigeen, iyo saddex (3) garsoore.
  2. Maxkamadda Sare waxay yeelanaysaa laba (2) garsoore oo kayd ah oo uu Guddoomiyaha Maxkamaddu u yeeri karo in uu dacwadda la galo, marka garsoorayaasha qaarkood fasax galaan ama garsoore si gaar ah uga cudurdaarto inuu wax ka galo qaadista dacwadaha qaarkood. Garsoorayaasha kaydka 59 Dastuurka Dawladda Puntland ee Soomaaliya ahi waa inay buuxiyaan isla shuruudaha Garsoorayaasha rasmiga ah, lana mariyo habka kuwa kale lagu doortay.
  3. Xarunta Maxkamadda Sare waa xarunta Dawladda Puntland, hase ahaatee dacwadaha waxay ku qaadi kartaa meel kasta oo dalka ka mid ah.
  4. Garsoorayaasha Maxkamadda Sare waxaa xilka lagaga qaadi karaa aqlabiyad haldheeri (1/2+1) ah xubnaha Golaha Wakiillada, iyadoo loo cuskanayo qodobka 98-aad ee Dastuurka.

Copyingright@2025 Puntland Supreme Court. All Rights Reserved