1. Maxkamadda Dastuuriga ah, garsoorayaasheedu waxay ka koobanyihiin garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo lagu kordhiyo afar (4) garsoore oo bulshada laga soo dhex xulay.
2. Afarta garsoore ee bulshada laga soo xulayo, labo ka mid ah waxaa doorta Golaha Wakiillada, labada kalena waxaa soo xula Golaha Xukuumadda waxaana ansixinaya Golaha Wakiillada.
3. Afarta xubnood ee Maxkamadda Dastuuriga ah ee laga soo xulay bulshada waxay dhammaan xuquuqda kala mid yihiin garsoorayaasha Maxkamadda Sare.
4. Guddoomiyaba Maxkamadda sare ayaa ah Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah.
5. Maxkamaddu waxa ay u hoggaansan tahay sharciga oo keli ah, maammul ahaan iyo garsoorabaanba.
6. Kaaliyaha Maxkamadda Sare ayaa ah Xoghayaha Maxkamadda Dastuuriga ah.
7. Haddii jago-garsoore ama ka badani ka bannaanaato Maxkamadda Dastuuriga, sabab kasta ha ku timaadee, waa in lagu buuxiyaa afartan iyo shan (45) maalmood gudahood.
8. Xarunta Maxkamadda Dastuuriga waa caasimadda Puntland.
Puntland Somalia Garowe Wadajir Villege Behind GTEC St1
info@judiciary.pl.so
252-90-4556061
Copyingright@2025 Puntland Supreme Court. All Rights Reserved