Qareenada Haysta Ruqsada Qareenka
0 +
  1. Guddigu markuu ku qanco codsadaha buuxiyey shuruudaha ku xusan Qodobka 17-aad ee xeerka Qareenada waxay imtixaanka qareennimo ku diyaarinayaan muddo (14) cisho gudahood ah.
  2. Guddigu waxay natiijada imtixaanka ku shaacinayaan muddo 7 cisho gudahood ah.
  3. Qofka ku guulaysta imtixaanka qareenimo waxaa lagu qorayaa Diiwaanka qareenada, ka dib marka uu maro dhaarta ku xusan Qodobka 14-aad, waxaana lagu kaydinayaa Xafiiska Ururka Qareenada iyo Maxkamadda Sare.
  4. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare marka uu helo natiijada imtixaanka wuxuu ku soo saarayaa ruqsad qareenimo muddo afar iyo tobbon (14) cisho gudohood ah.
  5. Imtixaanka Ruqsadda Qareennimadda waxaa laga dhaafayaa dadka soo socda:-
    1. Qofka haysta shahaadada Sharci ee diktoorada (LLD/PhD) lehna khibrad ku filan oo dhanka sharciga ah.
    2. Bare Jaamacadeed sharci muddo shan (5) sanno ah, isla markaana haystay muddadaas shahaado Sharci oo heerka labaad ah.
    3. Qof muddo shan (5) sano ah ku shaqaynayay sharciga isaga oo ka hawlgalayey hay’ad dawladeed, kuwo Caalami ah iyo kuwa maxalliga ah,haystay mudadaas shahaado Sharci oo la aqoonsan yahay.
    4. Qof ku shaqeeyey Xeer-ilaalin ama Garsoore muddo aan ka yarayn saddex (3) sano, haystana shahaado Sharci oo la aqoonsan yahey.

Dadka laga dhaafay imtixaanka waxaa looga baahan yahay in ay caddeymo

sugan kala yimaadaan hay’adaha ay la soo shaqeeyeen, una soo gudbiyaan Guddiga.

Qiimaha ruqsadu waa Labo boqol ($200) 00 doolar, cusboonaysiintuna waa

Boqol ($100) doolar ama Sh.So u dhigma, Khidmadaas waxaa lagu shubayaa khasnadda

Guddigan wuxuu ka kooban-yahay todoba (7) xubnood oo kala ah:

  1. Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare iyo Xoghayaha Golaha Garsoorka oo uu soomagacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
  2. Xubin ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda oo wasiirku Magacaabayo, ahna Agaasimaha Waaxda Garsoorka ama Sharciyaqaan Wasaaradda ka tirsan
  3. Gudoomiyaha Ururka Qareennada
  4. Laba (2) xubnood oo ka socda Ururka Qareennada oo Guddoomiyaha ururku soo magacaabo.
  5. Difaacaha Xuquuqul Aadanaha ama xubin uu soo magacaabayo.
  6. Garsooraha Maxkamadda Sare ayaa ah
  1. Qiimaynta iyo xaqiijinta dukumintiyada qofka raba ruqsadda qareenimo.
  2. Diiwaan-gelinta iyo oggolaanshaha galista imtixaanka qareenimo qof kasta оо buuxiyey shuruudaha ku xusan Qodobka 17-aad ee xeerkan.
  3. Diyaarinta iyo qaadista imtixaanka qareennada.
  4. Xafididda diiwaannada, dukumentiyada iyo qoraallada kale ee qareennada.
  5. Anshax marinta qareennadda.
  6. Samaynta xeer-

Guddiga ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareennimo wuxuu diwaangelinayaa sharciyaqaan kasta oo buuxiya shuruudaha soo socda:-

  1. Inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed.
  2. Inaan da’diisu ka yarayn labaatan iyo saddex (23) sano, maskax-ahaana caafimaad qabo.
  3. Inuu jaamacad la aqoonsan yahay ka haysto shahaado Sharci (Shareeco ama Qaanuun).
  4. Inuu soo gudbiyo codsi qoraal ah, shahaadada jaamacadda, caddeynta darajoqoraaleedka waxbarashada iyo afar sawir oo kurka ah.
  5. Inuu soo qaatay tababar qareenimo muddo aan ka yarayn hal (1) sano.
  6. Inaan xukun ciqaab Maxkamadeed oo kama dambaysa ku dhicin shantii (5) sano ee ugu dambaysay.
  7. Inuu bixiyey lacagta xubinnimada Ururka Qareennada muddadii uu ka diiwaan-gashanaa.
  8. Inuu bixiyey khidmada diiwaan-gelinta ee Guddiga oo dhan toban ($10)

Copyingright@2025 Puntland Supreme Court. All Rights Reserved