1. Hay'adda Garsoorka ee Puntland oo kaliya ayaa xukun ridi karta, bixin karta amar fulin xukun dastuuri, madani, ciqaab, ganacsi, maamul, arrimo shaqaale iyo arrimo kale oo uu sharcigu jideeyay.
2. Is qabadyada ka dhasha heshiisyada Puntland la gasho maalgaliye ajnabi ah waxaa lagu xallinayaa maxkamad dhex- dhexaad oo labada dhinac isla ogolaadeen.
3. Garsoorayaashu waa in aynan qaban hawlo ka horimanaya garsoornimadooda.
4. Dhageysiga dacwooyinka waa ay u furantahay dadweynaha, hase yeeshee sharciga ama garsooruhu wuu go'aansan karaa si kale, isagoo ka eegaya arrimaha anshaxa, daaficidda da' yarta ama markhaatiyaasha, fayodhowrka ama ammaanka guud.
5. Xukun-dacwadeed lama ridi karo iyadoo aan dhinacyada is haya oo dhammi fursad u helin inay gartooda jeedsadaan, haddii aan sharcigu si kale u tilmamin.
6. Qofna ma burin karo, ma bedeli karo, ma diidi karo in uu u hogaansamo xukun maxkamadeed, haddii aysan xukunkaas bedelin ama tirtirin Maxkamad ka sarreysa.
7. Maxkamaddu waa in ay u fasirtaa eedaysanaha dambiga lagu soo eedeeyey.
8. Garsoorka Puntland wuxuu aqoonsan yabay Suluxa, dhex- dhexaadinta iyo heshiisyada bulshada dhexdeeda oo xeerka ku dhisan.
Puntland Somalia Garowe Wadajir Villege Behind GTEC St1
info@judiciary.pl.so
252-90-4556061
Copyingright@2025 Puntland Supreme Court. All Rights Reserved