
GAROOWE-19-Luulyo-2025: Kuxigeenka Maxkamada Sare ee Puntland Mudane Axmed Sheik Omar ayaa maanta si rasmi ah uga gudoomay Agaasimaha Machadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya Ahmed Maxamuud Xasan Heeraab Manaahijta Tababbarada Garsoorka Dalka oo uu soo diyaariyay Machadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya , Manaahijtan ayaa ka kooban Todobo maado oo Kala ah:
1- Hagaha Tababbarka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya
2- Hagaha Tababbarka Xeerka Habka Ciqaabta
3- Hagaha Tababbarka Xeerka Madaniga Soomaaliya
4- Hagaha Tababbarka Xeerka Habka Madaniga Soomaaliya
5- Hagaha Tababbarka Hannaanka oogida iyo Difaaca dacwadaha
6- Hagaha Tababbarka Anshaxa Garsoorka
7- Hagaha Tababbarka Sharciyaqaanka : Daraasayn sababayn iyo Qoris
Garsoorka Dawladda Puntland ayaa uga mahadcelisay Macahadka Tababbarka Garsoorka Soomaaliya soogaarsiinta uu soo gaarsiyay Manaahijtaan oo tiradooda guud dhantahay 210 manhaj.
DHAMAAD.







