maxkamadda Sare

MAXKAMADDA SARE EE PUNTLAND

Maxkamadda Sare waa meesha ugu sarreysa ee nidaamka maxkamadaha Puntland.

Dastuurku wuxuu dhigayaa in Maxkamadda Sare ay ku shaqayso go’aan wadareed, ayna ka kooban tahay shan xubnood.

Xubnaha Maxkamadda Sare waxay kala yihiin:

  • Guddoomiyaha Maxkamadda Sare;
  • Guddoomiye Ku-xigeenka;
  • iyo saddex garsoore.
  • Labo garsoore oo kayd ah.

Maxkamadda Sare xarunteedu waa caasimadda Puntland, hase yeeshee Dastuurku wuxuu u oggolaanayaa in dacwadaha lagu qaadi karo meel kasta oo ka mid ah Puntland.

GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA SARE

Qofka noqonaya Garsoore Maxkamadda Sare waa inuu buuxiyaa shuruudo gaar ah.

Waxaa ka mid ah in uu yahay muwaadin Puntland ah oo Muslim ah, in aan xuquuqdiisa maxkamadi laalin shantii sano ee ugu dambeysay, isla markaana aanu da’diisu ka yarayn afartan sano.

Sidoo kale, waa inuu haystaa shahaado culuunta sharciga ah oo uu ka qaatay jaamacad la aqoonsan yahay.

Waxaa laga doonayaa waayo-aragnimo garsoor oo aan ka yarayn shan sano, ama waayo-aragnimo qareennimo oo aan ka yarayn lix sano.

Intaas waxaa dheer, garsooruhu waa inuu yahay qof lagu yaqaan hufnaan, daacadnimo, aqoon iyo karti uu ugu shaqayn karo arrimaha sharciga.

AWOODDA MAXKAMADDA SARE

Maxkamadda Sare waxay leedahay awood ku baahsan guud ahaan Puntland.

Waxay go’aan kama dambays ah ka gaartaa dacwadaha ay soo xukumeen maxkamadaha ka hooseeya.

Waxay xallisaa khilaafaadka u dhexeeya maxkamadaha ee la xiriira xuduudahooda iyo awoodahooda.

Waxay sidoo kale xallisaa ismaandhaafka sharciyeed ee aan masuuliyiin kale sharci ahaan loogu xilsaarin.

Waxay sidoo kale hubisaa sida maxkamadaha hoose u maamulayaan garsoorka, waxayna go’aan ka gaartaa saraakiisha sare ee dowladda marka la soo eedeeyo.

Waxaa intaas dheer, Maxkamadda Sare waxay ku dhawaaqdaa natiijada kama dambaysta ah ee doorashooyinka dalka, sida uu Dastuurku dhigayo.

Go’aannada Maxkamadda Sare waxay ku ansaxaan aqlabiyadda xubnaha Maxkamadda, waxaana garsooraha aan ku raacsanayn go’aanka loo oggol yahay in uu muujiyo codkiisa diidmada ah.