Guddiga Sare Ee Maamulka Garsoorka

Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorku waa hay’adda ugu sarreysa ee maamulka Garsoorka iyo ilaalinta madaxbannaanidiisa.

Dastuurku wuxuu qeexayaa in Guddigu ka kooban yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ah Guddoomiyaha Guddiga, Xeer-Ilaaliyaha Guud, saddex garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo laba garyaqaan oo laga soo xulo bulshada.

 

Guddiga Sare wuxuu leeyahay masuuliyado muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  • Maamulka iyo horumarinta hay’adda Garsoorka.
  • Magacaabidda, ruqsaynta, beddelidda, dalacsiinta iyo anshax-marinta garsoorayaasha iyo shaqaalaha ay xeerarku u xilsaarayaan.
  • Diyaarinta halbeegyada iyo hindisayaasha la xiriira maamulka Garsoorka.
  • Horumarinta aqoonta iyo xirfadda garsoorayaasha iyo kaaliyeyaasha.
  • Samaynta iyo maamulidda xarumaha tababarka Garsoorka.
  • Ilaalinta madaxbannaanida Garsoorka.
  • Kormeerka iyo hubinta habsami-u-socodka shaqada Garsoorka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

oo ah Guddoomiyaha Guddiga

Xeer-Ilaaliyaha Guud

Garsoore Maxkamadda Sare

Garsoore Maxkamadda Sare

Garsoore Maxkamadda Sare

Garyaqaan bulshada ah

Garyaqaan bulshada ah