RUQSADDA QAREENNADA
GUDDIGA ANSHAXMARINTA IYO RUQSAD BIXINTA QAREENNADA
Dhismaha Guddiga
1. Guddigan wuxuu ka kooban-yahay todoba (7) xubnood oo kala ah:-
b. Garsooreka tirsan Maxkamadda Sare iyo Xoghayaha Golaha Garsoorka 00 uu soo
magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
t. Xubin ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda 00 wasiirku Magacaabayo, ahna
Agaasimaha Waaxda Garsoorka ama Sharciyaqaan Wasaaradda ka tirsan
j. Gudoomiyaha Ururka Qareennada
x. Laba (2) xubnood oo ka socda Ururka Qareennada 00 Guddoomiyaha ururku soo
magacaabo.
Kh. Difaacaha Xuquuqul Aadanaha ama xubin uu soo magacaabayo.
2. Garsooraha Maxkamadda Sare ayaa ah Guddoomiyaha Guddiga.
Waajibaadka Guddiga
1. Qiimaynta iyo xaqiijinta dukumintiyada qofka raba ruqsadda qareenimo.
2. Diiwaan-gelinta iyo oggolaanshaha galista imtixaanka qareenimo qof kasta 00
buuxiyey shuruudaha ku xusan Qodobka 17-aad ee xeerkan qareennada.
3. Diyaarinta iyo qaadista imtixaanka qareennada.
4. Xafididda diiwaannada, dukumentiyada iyo qoraallada kale ee qareennada.
5. Anshax marinta qareennadda.
6. Samaynta xeer-hoosaadka Guddiga.
Shuruudaha Diiwaan-gelinta qareenka.
1- Guddiga ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareennimo wuxuu diwaangelinayaa sharciyaqaan kasta oo buuxiya shuruudaha soo socda:-
b. Inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed.
t. Inaan da’diisu kayarayn labaatan iyo saddex (23) sano, maskax-ahaana caafimaad qabo.
j. Inuujaamacadla aqoonsanyahaykahaysto shahaado Sharci (Shareeco ama Qaanuun).
x. Inuu soo gudbiyo codsi qoraal ah, shahaadada jaamacadda, caddeynta darajo-qoraaleedka waxbarashada iyo afar sawir 00 kurka ah.
kh. Inuu soo qaatay tababar qareenimo muddo aan ka yarayn hal (i) sano.
d. Inaan xukun ciqaab Maxkamadeed 00 kama dambaysa ku dhicin shantii (5) sano ee ugu dambaysay.
r. Inuu bixiyey lacagta xubinnimada Ururka Qareennada muddadii uu ka diiwaan-gashanaa.
s. Inuu bixiyey khidmada diiwaan-gelinta ee Guddiga 00 dhan toban ($10) doolar ama Sh.So u dhigma.
Habraaca Ruqsad-bixinta
- Guddigu markuu ku qanco codsadaha buuxiyey shuruudaha ku xusan
Qodobka 17-aad ee xeerka waxay imtixaanka qareennimo ku diyaarinayaan
muddo (14) cisho gudahood ah.
2. Guddigu waxay natiijada imtixaanka ku shaacinayaan muddo 7 cisho
gudahood ah.
3. Qofka ku gutllaysta imtixaanka qareenimo waxaa lagu qorayaa Diiwaanka
qareenada, ka dib marka uu maro dhaarta ku xusan Qodobka 14-aad, waxaana lagu kaydinayaa Xafiiska Ururka Qareenada iyo Maxkamadda Sare.
4. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare marka uu helo natiijada imtixaanka wuxuu ku soo saarayaa ruqsad qareenimo muddo afar iyo tobbon (14) cisho
gudohood ah.
5. Imtixaanka Ruqsadda Qareennimadda waxaa laga dhaafayaa dadka soo
socda:-
b. Qofka haysta shahaadada Sharci ee diktoorada (LLD/PhD) lehna khibrad
ku filan 00 dhanka sharciga ah.
t. Bare Jaamacadeed sharci muddoshan (5) sanno ah, isla markaana haystay muddadaas shahaado Sharci 00 heerka labaad ah.
Luminta Ruqsadda Qareennimo
Qareenku wuxuu ku waayi karaa ama ku lumin karaa RucFadda qareennimada:-
b. Haddii Maxkamadi ku rido xukun ciqaabeed 00 kama dambays ah.
t. Haddii ay caddaato inuu khiyaamo iyo been ku helay ruqsadda qareenimo.
j. Haddii uu gudan-waayo shaqadiisa qareennimo sababo la xiriira caafimaad-darro
xagga maskaxda amajirka ah.
x. Haddii uu ka tanaasulo mihnaddiisa qareennimo.
kh. Haddii uu ka mid noqdo Hay’adaha lagu sheegay Qodobka 6-ud Faqradiisa 4-
d. Haddii uu la yimaado wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka
j. Qof muddo Shan (5) sano ah ku shaqaynayay sharciga isaga 00 ka hawl-
galayey hay’ad dawladeed, kuwo Caalami ah iyo kuwa maxalliga ah,
haystay mudadaas shahaado Sharci 00 la aqoonsan Yahay.
x. QOf ku shaqeeyey Xeer-ilaalin ama Garsoore muddo aan ka yarayn saddex
(3) sano, haystana shahaado Sharci 00 la aqoonsan yahey.
6. Dadka laga dhaafay imtixaanka waxaa looga baahan yahay in ay caddeymo
sugan kala yimaadaan hayadaha ay la soo shaqeeyeen, una soo gudbiyaan
7. Qiimaha ruqsadu waa Inbo boqol ($200) 00 doolar, cusboonaysiintuna waa
Boqol ($100) doolar ama Sh.So u dhigma , Khidmadaas waxaa lagu shubayaa
khasnadda Dawladda.
Cusboonaysiinta Ruqsadda
1. Ruqsadda qareenimo waxaa la cusboonaysiinayaa sannad kasta.
2. Qareenna ma shaqayn karohaddii uusan cusboonaysiisan Ruqsaddiisa.
3. Si loogu cusboonaysiiyo Ruqsadda, Qareenka shaqeeya waa inuu soo gudbiyaa:-
b. Codsiga cusboonaysiinta iyo nuqulka Ruqsaddii hore.
t. Caddeynta bixinta khidmada Ruqsad cusboonaysiinta.
j. Caddeynta bixinta lacagta xubinnimada Ururka.