MAXKAMADDA DASTUURIGA AH
Maxkamadda Dastuuriga ah waxay leedahay door gaar ah oo ku saabsan ilaalinta Dastuurka.
Dastuurku wuxuu dhigayaa in Maxkamadda Dastuuriga ay ka kooban tahay garsoorayaasha Maxkamadda Sare, oo lagu kordhiyo afar garsoore oo bulshada laga soo dhex xulo.
Afarta garsoore ee bulshada laga soo xulayo, laba waxaa dooranaya Golaha Wakiillada, halka labada kalena ay soo xulayaan Golaha Xukuumaddu, Golaha Wakiilladuna ansixinayo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale noqonaya Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah.
Afarta garsoore ee bulshada laga soo xulay waxay dhammaan xuquuqda la mid yihiin garsoorayaasha Maxkamadda Sare.
AWOODA MAXKAMADDA DASTUURIGA AH
Maxkamadda Dastuuriga ah waxay awood u leedahay in ay buriso xeer, xeer-hoosaad, wareegto ama amar maamul, gebi ahaan ama qayb ahaan, haddii ay u aragto in uu ka hor imanayo Dastuurka.
Waxay sidoo kale go’aan ka gaartaa cabashooyinka muwaadiniinta ee la xiriira tacaddi loo geystay xuquuqdooda dastuuriga ah.
Maxkamaddu go’aannadeeda waxay waafajisaa Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.
Waxay sidoo kale xalisaa khilaafaadka u dhexeeya hay’adaha dowladda, marka khilaafkaasi la xiriirayo awoodaha iyo xilalka dastuuriga ah ee hay’adahaas.
Marka Golaha Wakiilladu weydiisto, Maxkamadda Dastuuriga ah waxay bixin kartaa talo sharci oo ku saabsan in mashruuc sharci ah uu waafaqsan yahay Dastuurka iyo in kale.
Go’aannada Maxkamadda Dastuuriga ah waxaa lagu gaaraa aqlabiyad cod hal-dheeri ah, waana in la diiwaangeliyo, dadweynahana lala socodsiiyo, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee dowladda.